MAAME LAKI | XAMDA | HEES CUSUB | Somali Music 2020

  • MAAME LAKI | XAMDA | HEES CUSUB | Somali Music 2020
    Erayadii Maxamud Xasan Goomey
    Laxanka Maame laki
    Music By Daahir Sharmaan
    Edited by Yonez Crown
    Song lyrics:-
    Dhaaxad dhugashada Jacaylku dhaliyo
    Dhararaha adag is dhowran jirteen
    Dhaaxad ubax dhiina oo dhumucliyo
    Fiyooraha dheer is dhaafsan jirteen
    Dhaaxad dhadigiyo labkaan dhulka jira
    Mudaba dhaafteen dhamaan idilkood
    Caawaad dhabihii dhararaha badan
    Haasawaha dheer u soo dhisateen
    Dhabtii guushisa aad dhaxasheen
    Dhamaan ehelkiinu way la dheceen
    Dhalinta gaafkiina dhaantada tuman
    Khadarow dheeman iyo luul siiyo
    Dhal weeyan gabadhu boqortooye
    Ha dhigin dhulka oo dhabtada ku hay
    Hamday dhaqankiyo hidaha dhowro
    Qoys kaga dhaqoo dhabeel noqo
    Habliyo dhala wiilal sharaf badanoo
    Reerkii dhaqma oo dhib yari jira iyo
    Ahaada kuwii is dheefsada abid

    Category : Somalia Music Videos

    #maame#laki#xamda#hees#cusub#somali#music#2020

    0 Comments and 0 replies
arrow_drop_up